Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin”

Dowlada Soomaaliya“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin”

0

Sii-hayaha wasiirka amniga Soomaaliya, ahna wasiiru dowlaha wasaaraddaas Maxamed Cali Xagaa ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo wakiil ka ah xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowladda federaalka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi, gaar ahaan gobolka awdal.

Wasiir Xagaa ayaa si adag uga hadlay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sida uu sheegay Muuse Biixi uu ka bilaabay gobolka Awdal, sidoo kale wasiirka ayaa farriin adag u diray taliyaha ciidamada Itoobiya, isagoo ka jawaabay hadal ka soo yeeray.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu bilaabay inuu caburiyo oo xirxiro odayaasha, saxafiyiinta iyo qof kasta oo reer Awdal ah oo lagu tuhmay inuu ka soo hor jeeda qorshaha halista ah ee Muuse Biixi uu badda ku siinayo Itoobiya.

“Xalay magaalada Ceelsheekh waxaa laga soo qabtay cuqaashii diiday inay halkaas tagaan guddi uu Muuse u xil-saartay inay fuliyaan heshiis ku sheegii uu badda ku siiyey Itoobiya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dadkii ku noolaa deegaanada ay metelaan ay dareemayaan caburintii ugu weyneed, kadib markii ay diideen qorshaha ciidamada Itoobiya loogu wareejinayo badda, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay aaggaas gaaf wareegayaan.

“Muusow wixii aad ka dagaalantay dadka haku sameynin, waad la socotaa wixii kaa raacay Goojacadde iyo Laascaanood, Muusow wax aad walaalnimo ku weysay xoog ku gaari meysid ee ka jog waxaad faleysid,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xagaa.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliland inay iska dulqaadaan gumeysiga Muuse Biixi, isagoo u balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay garab taagnaa doonto oo si dhow ay ula socon doonto dhaqdhaqaaqooda, garabna ay siin doonto.

Sidoo kale wasiirka amniga Soomaaliya wuxuu sheegay in Taliyaha ciidamada Itoobiya uu ku andacooday in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay dowladnimadu burbureyso, wuxuuna u diray farriin adag.

“Dowladda Soomaaliya waa isku filan tahay, ciidankeeda ayaa u dagaalamaya oo cadowga ka xoreynaya dalka, taliyahaas waxaan leeyahay taada maarey, ciidamada shisheeye dalka waa ka baxayaan sanadkaan dhamaadkiisa, ciidanka Soomaaliyeedna waa u diyaarsan yahay inuu la wareego amniga qaranka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha, ahna sii-hayaha xilka wasiirka amniga Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Geelle oo dhaliilay heshiiska is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland
Next articleXasan Shiikh oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here