Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Warkasoo Saaratay Alshabaabka Lagu laayay Dagaalkii Awdhiigle

Dowlada Soomaaliya oo Warkasoo Saaratay Alshabaabka Lagu laayay Dagaalkii Awdhiigle

0

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay weerar ay Al-Shabaab Sabtidii shalay ku qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay halkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana jab iyo khasaare ay kala kulmeen Bardaale.

Sida wasaaraddu sheegtay waxaa dagaalka lagu dilay horjoogihii xubnaha weerarada soo qaaday iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in iska caabinta lagu dilay hogaamiyihii kooxda iyo maleeshiyaad kale oo katirsanaa Alshabaab.

“Xalay, Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay taageerayaan dadka deegaanka, ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyada Khawaarijta ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in haatan ay dagan tahay xaaladda degmada, ayna gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay weerarkaasi, waxayna sheegtay in muddo kooban la wareegtay saldhigga ciidamada dowladda, ayna sidoo kale gaarsiisay khasaare culus.

Inta badan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla halkaasi.

Ad
Previous articleDhaqaatiirta Magaalada Gaalkacyo oo ku Dhawaaqay Shaqo Joojin kadib Dilkii Dr Zakariye(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah: Xiisad ka taagan Madiina Gate albaabka la galo Xaruunta Xalane kadib markii la Dilay Askari u Dhashay Dalka Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here