Howlgal jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-Shabaab oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa galabta ka dhacay Tuulada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose.
Horjoogayaasha howlgalkaan looga dilay kooxda waxaa ku jiray nin lahu magacaabi jiray Usaama oo ahaa madaxii Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ugunji oo howlgalkaan uu ka dhacay.
Sidoo kale Cadnaan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha baadda ah laga qaado iyo Horjooge Yaxye oo ahaa ku xigeenkii madaxa Shabaab-ka jooga deegaanka Ugunji, ayey shaacisay dowladda Soomaaliya in lagu dilay howlgalka.
Waa howlgalkii labaad oo jab culus lagu gaarsiiyey kooxda oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ciidanka Haramcad oo ka baxay Muqdisho ay maanta cagta mariyeen Shabaab-kii ku dhuumaaleysanayey deegaanada Gendershe iyo Arbacow.
“Waxay ciidamadu gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado. Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladdu ka soo saartay howlgalkaas.