Tan iyo markii ay dagaal-yahanada Al-Shabaab u tallaabeen bariga dalka Itoobiya ayaa waxaa isa-soo tarayay xogaha dagaalkaas iyo ujeedka ka dambeeya in xiligaan Al-Shabaab weerar ku qaado ciidamada Itoobiya.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay in Alshabaab firxad ah oo ka cararaysa Madaxweynaha Hassan Sheikh & dawladda cusub ee Soomaaliya ay u galeen Dawlad Deegaanka Soomaali Galbeed.
Hadalkan oo uu saxaafada u sheegay Abdikariin Ali Kaar, Afhayeenka Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa ka dhigan in Alshabaab ka cabsanayso Madaxweyne Hassan.
Waa Markii Ugu Horaysay oo Alshabaab Gudaha Ugalaan Xuduudka Itoobiya Taas oo layaab Ku noqotay Daf Badan.
Ad