Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga Alshabaab Dhan lasoo Afjaraayo

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga Alshabaab Dhan lasoo Afjaraayo

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in kooxda Al-Shabaab lagu soo afjari doono laba bil gudahood, loogana xoreyn doono dalka.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay, in illaa iyo bisha Febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda Al-Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo HirShabeelle.

La-taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u billowday, kadib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen.

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisiii koobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor bisha February ee 2024,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda Alshabaab.

La-taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.
Ad
Previous articleBurcad badeedkii Soomaalida oo Soo noolaaday Markab kalana Soo Afduubtay
Next articleCiidamada Macawislayda Beesha Wacaysle oo Hub la Gaarsiiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here