Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo shaacisay natiijada laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay natiijada laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib

0

Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxaa inta badan gobollada dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug ka socday abaabul iyo kacdoon culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo weli ka soco Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska kaashanaya, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale KUWA deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlayey howlgallada socdo ayaa sheegay in guullo laga gaaray, tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in markii hore Al-Shabaab ay joogeen xadka Itoobiya, balse haatan 90% laga saaray deegaanada gobolka Hiiraan, islamarkaana uu dagaalka ka socdo xadka gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar bilood kahor Al-Shabaab meesha ay ka joogeen gobolka Hiiraan iyo meesha ay maanta ka joogaan qof kasta oo Soomaaliyeed ha cabiro. Waxay joogeen xadka Itoobiya intay dhaafee gobolka, maantana xabaddii ugu dambeysay waxay ka dhaceysaa xadka gobolka Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo qaraar ay ka socdaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dagaalka ku biireen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Turkiga.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin Taageeri jiray Farmaajo oo qirtay inuu Dilay dad badan farmaajo Dartiis
Next articleMagaalada Gävle oo dhoor qof lagu toogtay Xili Rabshado ka jiraan