Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaro lama Filaan ah oo Ka dhashay Weerarkii...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaro lama Filaan ah oo Ka dhashay Weerarkii Xabsiga Dhexe

0

Dagaal Culus oo saakay Aroortii ka dhex qarxay Xabsige Dhexe kaas oo U dhaxeeyey Maxaabiis Ka Tirsanaa Alshabaab iyo Ciidamada Asluubta Ayaa Goordhow La shaaciyay Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkaas.

Ciidamada Dowlada oo Sacaado la dagaalamaayay Ragaan ayaa Laayay badankood Kuwaas oo Toogtay ilaa shan ka mid ahaa Tira kalana Gacanta Ku dhigay Kadib Markii rasaastii ka dhamaatay.

Khasaaraha Soo Gaaray Ciidamada Asluubta ayuu Shaaciyay Afhayeenka Asluubtu inay Garaayaan 3 Dhimasha ah iyo 3 dhaawac halka Maxaabiistii Xabsiga ku xirdhayd ay ka dhaawacmeen 18 maxaabiis oo badankood aan dagaalku ku jirin Balse Rasaastu Haleeshay.

Dhaawacyadaas ayaa haatan lagu dabiibiyaa Hospitaalada Magaalada Muqdishu Dhanka kale Raga Alshabaab ka tirsanaa ee dagaalamay oo la Dilay Waxaa ka mid aha nin lagu magaaci jiray liibaan cabdulaahi wehliye kaas oo askarigii Soo qabtay Alshbabaab u balan qaadeen inuu sii daayo Qaatana lacag dhan 50.000 oo doolar Balse askarigii ayaa diiday.

liibaan ayaana dhawaan kasoo Muuqday Makamada Ciidamada Qalabka Sida kaas oo lagu Xukumay Xukun adag.

Ad
Previous articleRagii Ka Dhex Dagaalamaayay xabsiga Dhexe oo Dhamaantood La Toogtay lana Soo Bandhigay(Sawiro)
Next articleFaahfaahin:Dagaal Culus oo Alshabaab iyo Macawilayda Hiiraan Ku Dhexmaray Duleedka Buulaburte