Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo Muujisay Heshiiskii Laftagareen Iyo Xasan Shiikh

Dowlada Soomaaliya oo Qaaday Talaabo Muujisay Heshiiskii Laftagareen Iyo Xasan Shiikh

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay horay ugu soo rogtay xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay qaarkood loogu celiyay garoonka Muqdisho.

Xayiraadda la qaaday kadib ayaa waxaa suuragashay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Baydhaba, ayada oo arrintan ay qayb ka tahay fulinta heshiiska ay gaareen maamulka Laftagareen iyo iyo Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada tegay Baydhaba waxaa kamid ah Sareedo Maxamed Cabdulle oo maalin kahor lagu celiyay Muqdisho, ayada oo laga reebay diyaarad ku socotay Baydhaba.

Sareedo iyo wafdi uu hoggaamineyso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada oo ay kula kulmi doonto madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Cabdicasiis Laftagareen.

Arrintan waxay kusoo aadeysa, ayada oo haatan ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, kadib dadaallo dheeraad iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo Laftagareen iyo Villa Soomaaliya oo kala fogaaday.

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen, waxaana dadalaadaas hormuud u noqday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Ad
Previous articleXasan Shiikh Ma Wuxuu Qaaday Wadadii Farmaajo Muxuu Sameeyey Maantay?