Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowlada Soomaaliya oo lagu haysto Duqayntii Dhawaan ay Laysay 23 Qof oo...

Dowlada Soomaaliya oo lagu haysto Duqayntii Dhawaan ay Laysay 23 Qof oo Shacab ah oo ku sugnaa….

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayay ku sheegtay in duqeymo mataano ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya, oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay dad rayid ah oo ay carruur ku jirtey.
Hay’ada ayaa sheegtay in 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, duqeyn lagu diley bishii Maarso,deegaan ka mid ah gobolka Sh/hoose waxayna hay’addu ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo.

Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay la hadashay illaa 12 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabadooda iyo goobjoogayaal, waxayna hay’addu eegtay oo falanqeysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada jajabyada hubka si loo ogaado isticmaalka bambooyinka ay soo saarto Turkey iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla deegaanka tuullada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan sheegin dad rayid ah oo ku dhintay.

Amnesty ayaa sheegtay in ay ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga in faah faahin dheeri ah laga bixiyo balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Dowlada Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin warbixinta hay’adda Amnesty International, balse wali wax jawaab ah kama aanan helin.

Hase yeeshee, Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 ka mid ah al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska, halka 15 kale lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Baqdaad.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil
Next articleAlshabaab kii Ugu Badnaa oo Xalay Lagu laayay Duqayn Culus oo ka dhacday..