Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Inay Soo Afjartay Mashruucii Burcadbadeeda

Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Inay Soo Afjartay Mashruucii Burcadbadeeda

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo Afjaray mashruucii burcad badeeda ee badweynta Hindiya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arintan ayaa noqotey mashruuc la buun buuniyay oo Dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaa tee maanta oo taariikhdu 15 February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa saacado ka hor Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka Galmudug oo Shaaciyay odayaasha Soo Xulaaya Eragada Dooranaysa Kursiga Mahad Salaad iyo Qaar kale
Next articleGudiga Doorashooyinka Xalinta Khilaafaadka Oo Hakiyay Doorashada 4 Kursi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here