Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray Howlgalkii kasocday Ciid ciidka...

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray Howlgalkii kasocday Ciid ciidka Mudo bilkabadan Qaatay

0

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al Shabaab si buuxda uga saaraan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaateeyaan HirShabelle iyo Galmudug, balse ay ciidanku maanta soo geba-gabeeyeen joogitaankoodii deegaankaasi.

“Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirshabelle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaahay mahadiis saakay ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen.

“Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u baxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidamaduna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan meesha ay taggaanba ay uga daba taggaan,” ayuu yiri Alcadaala oo VOA la hadlay.

Shabaabka ayaa ku dhawaad muddo afar toddobaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lahaayeen beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) illaa dhulka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga.

Shabaabka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, islamarkaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGuddoomiye Madaale oo ka hadlay duqeymaha Israa’iil ay ka geysaneyso Qasa
Next articleAlshabaab oo Qorshaynaysa Weerar ay ugu aargudayso Falastiin