Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey in Maalinta Bari tahay Ciid iyo in...

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey in Maalinta Bari tahay Ciid iyo in kale

0

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in beri oo Axad ah la dhameystirayo 30ka bisha Ramadaan ka dib markii la waayey cid aragtay bishii Shawwal oo la filayey iney caawa bilato.

“Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaageysaa in maalinta beri la dhameytirayo 30-ka Bisha barakeysan ee Ramadaan” ayaa lag qoraal ka soo baxay Wasaarada.

Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay in maalinta koowaad ee ciidul fitriga ay noqon doonto maalinta isniinta ah oo taariikhdu tahay 2da bisha May 2022-ka.

Sacuudiga iyo dowladaha kale ee khaliijka ayaa ayaana iyana horey u sheegay iney beri dhameystirayan 30ka Ramadaan, ayna ciida noqoneyso Isniinta soo socota.

War ay maanta soo saartay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai ayaa waxay ku sheegtay in dalalka Soonka bilaabay Sabtidii aysan macquul aheyn inay arkaan Bisha Shawwal, sababo la xiriira Dayaxa oo dhacayo qorraxda ka hor.

Ad
Previous articleShacabka Sweden oo doorbidaya in lagu biiro Ururka Nato
Next articleCiidanka Galmudug oo howlgallo balaaran ka sameeyay Magaalada Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here