Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Safiirkii Imaaraadka ee…

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Safiirkii Imaaraadka ee…

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar todobaadkan lagu qaaday guriga safiirka Imaaraadka Carabta ee dalka Sudan, kaas oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Sudan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka kasoo horjeedo xadgudubkaas oo kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarkii lagula kacay xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijisay diidmada adag ee ku xadgudubka noocan ah ee shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan, kuwaas oo ah jebinta cad ee shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa diblomaasiyadda”

Imaaraadka Carabta ayaa horay si caro leh uga falceliyay  kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan..

“Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM.

Dhankooda ciidamada Sudan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, waxayna ku jawaabeen “inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan “bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.”

“Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic)… oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGoobo Ganacsi oo ku Yaalay Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Burburiyay
Next articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Ka Furmaaya Muqdisho Iyo Laftagareen oo…