Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan maamulka cusub ee madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.
Waxay sheegtay in sanadihii u dambeeyay si dhow ula socotay xaaladda gobolka Gedo, islamarkaana ay hadda soo dhaweynayso tallaabada cusub ee uu qaaday maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Kismaayo.
“Wasaaraddu waxay u hambalyeyneysaa maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.
Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.
Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.
Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay kasoo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasi oo dhalisay is-mari-waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii gobolka Gedo.