Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Garab itaag u muujisay Falastiin

Dowlada Soomaaliya oo Garab itaag u muujisay Falastiin

0

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Baqdaad ee waddanka Ciraaq uga qayb galay meertada 39aad ee shirka waasiirada cadaaladda ee wadamada carabta oo furmay maanta.

Wasiirka oo shirka ay ku wehlinayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Suleyman iyo xubno kale ayaa hadalkiisa ku xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta,

Xasan Macalin Maxamuud wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay qadiyada Falastiin, ayna ka xuntahay weerarada arxan -darada ah iyo barakicinta lagu hayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al Shabaab, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, waxuuna dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee Xalay ka Dhacay Muqdisho
Next articleXog hor leh oo kasoo Korartay Qarixii Xalay lagu Qaaday Maqaayada Blue Sky

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here