Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Gaartay imaaradka Carabta Kadib Dilkii Sariikooshada ee Xerada Gordan

Dowlada Soomaaliya oo Gaartay imaaradka Carabta Kadib Dilkii Sariikooshada ee Xerada Gordan

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tacsi uu ka sidey Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiiyey dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu dhambaalka tacsida ah uu si gaar u gaarsiiyay ehelada saraakiishii dhawaan ku shahiidey xerada Goordan ee magaalada muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay “in shuhaddada walaalaheen ah ay astaan u ahaan doonaan xiriirka dhiig wadaagga ah ee Imraadaka Carabta iyo Soomaaliya.”

Saraakiisha geeriyootay ayuu sidoo kale sheegay wasiirka in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Weerarkii xerada Jeneraal Goordan ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog ka hor loo soo diray weerarka

Ad
Previous article‘Hooyadii oo waayeel ah waxay ku taaheysaa ma la qabtay dilaaga’: Baroorta qoyska Macaliinkii loo dilay gabadh uu canaantay
Next articleErdogan oo 12 sano kadib booqday Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here