Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Dalka Ka Mamnuucay Aalada 1XBIT

Dowlada Soomaaliya oo Dalka Ka Mamnuucay Aalada 1XBIT

0

Guddoga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa soo saaray go’aano ka kooban afar qodob oo ka dhan ah adeegga 1XBET.

Guddiga ayaa go’aanadaan ku gaaray shir ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dalka laga mamnuucay wax kasta oo Khamaar ah iyo adeegga khamaarka ah ee la dheelo ee 1XBET.

Qodobada laga soo saaray shirkii guddiga ayaa u dhignaa:

1- Waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kamamnuuc ah guud ahaan khamaarka oo ah adeeg ka soo hor jeeda diinta Islaamka iyo shuruucda dalka.

2- Guddigu wuxuu ka war helay jiritaanka adeegga khamaarka ah ee beryahaan dambe lagu dhaco hantida dadka Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo 1XBET.

Adeegga 1XBET wuxuu ka soo hor jeedaa diinteena iyo shuruucda dalkeena, wuxuuna saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka, sidaas darteed waa adeeg xaaraam ah oo aan sharciyad laheyn.

3- Dhammaan bangiyada, shirkadaha bixiya adeegga mobel money iyo cid kasta oo bixisa adeeg maaliyadeed ee ka howlgasha Soomaaliya, waxaa lagu war-gelinayaa in aysan la macaamilin wax adeeg maaliyadeed ahna aysan siin shakhsiyaad ama shirkado bixiya adeega 1XBET oo mamnuuc ka ah dalka.

4- Hadii ay jiraan shirkado ama bangiyo horay ula macaamilay adeegga 1XBET, waxaa la farayaa inay deg deg dhammaan adeegyada ay siiyeen, isla markaana ay xayiraan xisaabtooda, iyagoo deg deg warbixin ugu soo gudbinaya hey’adda warbixinta maaliyadda ee FRC.

Afartaas qodob ayuu guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada u cuskaday mamnuucidda adeegga khamaarka ah ee 1XBET.

Ad
Previous articleMaxamed bin Salman oo Canaan kala Duldhacay Israail Caalamkana Baaq Adag Udiray
Next articleCali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ahaa Madax ka Tirsan Alshabaab oo soo galay Gacanta Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here