Guddoga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa soo saaray go’aano ka kooban afar qodob oo ka dhan ah adeegga 1XBET.
Qodobada laga soo saaray shirkii guddiga ayaa u dhignaa:
1- Waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kamamnuuc ah guud ahaan khamaarka oo ah adeeg ka soo hor jeeda diinta Islaamka iyo shuruucda dalka.
2- Guddigu wuxuu ka war helay jiritaanka adeegga khamaarka ah ee beryahaan dambe lagu dhaco hantida dadka Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo 1XBET.
Adeegga 1XBET wuxuu ka soo hor jeedaa diinteena iyo shuruucda dalkeena, wuxuuna saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka, sidaas darteed waa adeeg xaaraam ah oo aan sharciyad laheyn.
3- Dhammaan bangiyada, shirkadaha bixiya adeegga mobel money iyo cid kasta oo bixisa adeeg maaliyadeed ee ka howlgasha Soomaaliya, waxaa lagu war-gelinayaa in aysan la macaamilin wax adeeg maaliyadeed ahna aysan siin shakhsiyaad ama shirkado bixiya adeega 1XBET oo mamnuuc ka ah dalka.
Afartaas qodob ayuu guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada u cuskaday mamnuucidda adeegga khamaarka ah ee 1XBET.