Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Codsatay in La Baaro Geerida Dhalinyaradii Ku Dhimatay Xadka...

Dowlada Soomaaliya oo Codsatay in La Baaro Geerida Dhalinyaradii Ku Dhimatay Xadka Giriiga iyo Turkiga

0

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu soo wargeliyay in dadka tahriibayaasha ahaa ee meydkooda laga helay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in DF ay si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii dhintay ee la aasay todobaadkan.

Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee geeriyoosay, kuwaas oo kala ah .

  1. Cabdi Mahdi Cali
  2. Yaxye Jamaal Muumin
  3. Abuubakar Axmed Ibraahim
  4. Naasir Sulemaan Xasan
  5. Najax Cabdi Axmed.

Xukuumada Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa dalalka ay khuseyso iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR inay si deg deg ah u daba galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan xaaladdaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ad
Previous article13 kursi Oo Cusub oo Ka mid noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay
Next articleQarax Xoogan oo Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Deegaanka Somaalida ee Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here