Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Canshuur Kordhin Samaysay iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

Dowlada Soomaaliya oo Canshuur Kordhin Samaysay iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

0

Warbixin: Wax ka bedelka canshuuraha qaar ka mid ah alaabaha la soo dhoofiyo (Import Tax).

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay wax ka bedel kooban ku sameysay qaar ka mid ah alaabaha ka soo dega dekedda Muqdisho.

Alaabaha wax laga bedelay waxaa ka mid ah sigaarka/shiishada, alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), Qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric/Electronics), Dharka iyo kabaha, iwm.

Wax ka bedelkaas canshuuraha ma saameyn cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.

Sida Saraakiisha Kastamka Canshuuraha ay sheegeen canshuurta dowladdu ay qaado ma ahan mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) waan tariff ku dhisan qiyaas (Big Carton / Small Carton; Juuni, loor, lagaajo iwm) iyo qancin ganacsato.

Tusaale:

Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD

Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD.

Dharka lebiska: lebiska caruurta ciidaha (4 Dersin – 48 joog): 9 USD (0.19 USD joogi). Qiimaha suuqa 60 USD – 90 USD. Dharka caadiga ah (6 Dersin – 72 joog): 4.5 USD (0.06 Joogi). Qiimaha suuqana 10 USD – 30 USD.

Baaburta raxadda (Luxury Cars): Prado/Surf: 1,370 USD, Hilux pickup 1,450 USD, Toyota Premio: 920 USD.

Qiimaha lagu kordhiyay canshuuraha ayaa ah 100%, Tusaale gaariga Bulletproofka ee jooga $80,000 waxaa la canshuuri jiray $5000, halka lagu maanta la canshuurayo $10,000.

Waxaa dalka waxaa loo soo dhoofiya badeecoyin badan oo ka mid wax soo saarka dalka, waxaana ka mid ah Yaanyada gasaca, malaayga, digirta, galeyda, daangada, qamadiga, cabitaanada, iwm.

Inkastoo aanay jirin wax reeban in dalka loo soo dhoofiyo.

Miisaaniyadda dalka in ka badan 70% waxa u ku tiirsan yahay deeqaha caalamka iyadoo dowladda Soomaaliya wax canshuur dhameystiran ah aysan ka qaadin ganacsiga dalka.

Shurudaha deyn cafinta dalka waxaa ka mid ah in dowladdu la timaado dhaqaale kordhin iyo isku filnaasho miisaaniyadda ah si looga shaqeeyo mashaariic hormarineed dhanka kaabayaasha dhaqalaha ah. Ilaha dhaqalaha dowladda waxa ugu weyn Dekeda iyo Air Porka Muqdisho.

Ad
Previous articleSoomaali ka gadoodsan go’aan laga gaaray kiiska Hodan Xaashi oo lagu dilay Canada
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay iyo Sababta keentay