Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Maantay Maantay Muqdisho ka Daahfuray Mashruuc...

Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Maantay Maantay Muqdisho ka Daahfuray Mashruuc Cusub(Sawiro)

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada sano ee soo socota.

Geeddisocodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna Dowladda Federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.

“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.
;
Lifaaqa 1
Geeddi-socodka maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxaana gundhig u ah;

1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:

a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed
b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka
c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka
d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka
e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024
f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.

2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida:

a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.
b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.
d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada

a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey
b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda
c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed
d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka
e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub
f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleRag Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ka Badbaaday Weerarkii Xalay Ka Dhacay Duleedka Xarardheere oo nolosha lagu Soo Qabtay(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Musuq-maasuqii adeegga Xajka oo meesha laga saaray iyo qiimaha oo hoos loo dhigay