Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay go’ankeeda Mudo kordhinta

Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay go’ankeeda Mudo kordhinta

0

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in uu wax iska bedelay go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka ku sameesteen mudo kordhinta dibna loogu laabanayo wadahadaladii dhinaca doorashada ee u dhaxeeyay DF iyo maamul goboleedyada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay in dib looga laabanayo go’aankii xildhibaanada golaha shacabka mudo kordhinta ugu sameeyeen dowlada.

“Doorashadu nuuc weliba oo ay ahaato waa in ay noqotaa mid loo wada dhan yahay, waadix ah oo dadka oo dhan ku wada qanci karaan, wadahadal socda ma jiro, go’aanka Baarlamaanka uu gaaray waa mid u taal, waxna iskama bedelin, go’aankoodu waxa uu yimid kadib markii ay arkeen in aysan Natiijo kasoo socon shirarkii socday” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Hadalkan kasoo yeeray Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili la sheegay in uu isbadal ku yimid go’aankii golaha Shacabka kadib markii Madaxweyne Farmaajo lagu cadaadiyay in uu ka laabto go’aankaasi dib ugu soo laabto wadahadalka doorashada.

Ad
Previous articleMadasha Badbaado Qaran oo Qaramada Madoobey Bayaan udirtay
Next articleQatar oo war kasoo saartay hadal ka soo yeeray Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here