Home Wararka Maanta Dowlada Somalia oo lagu xukumay iney bixiso Malaayiin lacag magdhow ah

Dowlada Somalia oo lagu xukumay iney bixiso Malaayiin lacag magdhow ah

0

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo qaadda dacwadaha murannada sharciga ayaa dowlada Somalia ku xukuntay iney bixiso lacag malaayiin ah oo Magdhow loo siinayo shirkad dacwad ku soo oogtay.

Shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited ayaa sanadkii 2019 safaaradda Soomaaliya ee Kenya ku soo oogtay dacwad ka dhan ah jebinta qandaraas ku aaddan dayactirka safaaradda oo ay wada galeen toddoba sano kahor.

Garsoore alfred Mabeya ayaa u xukumay shirkadda in lacag dhan Sh23m,493,003 ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Hase ahaatee Markii uu xukunkan dhacayay dowladda Soomaaliya kuma aysan sugneyn maxkamadda, iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in inkastoo loo diray waraaqaha maxkamadda haddana dowladda Soomaaliya ay ku guul darreysatay inay goobjoog ka ahaato xukunka.

Shirkaddan ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qandaraaska dayactirka safaaraddeeda Nairobi la gashay sanadkii 2016. iyadoo Qiimaha dayactirka ayaa markaas ku kacayay lacag dhan Sh53.5m, sida ay sheegtay shirkaddu.

Shirkadda Kingsley ayaa sheegtay in heshiiskan qeyb ka mid ah ay qorneyd, halka qeybta kalena ay ahayd heshiis afka ah.

Waxay shirkaddu maxkamadda u sheegtay in safaaraddu ay jebisay heshiiska una diidday shaqaalaha shirkadda inay bilaabaan mashruuca, safaaraddana ay qandaraaska ka baxday iyadoo aan wax ogeysiis ah bixin.

Maxkamada ayaa sheegtay in markii uu arkay caddeynta iyo warqadda ay dirtay shirkadda ay u xukmisay in lacagta ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Shirkaddan dhismaha ayaa markii hore dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya, bishii July sanadkii 2020, balse waxaa loo sheegay in safaarad aanan la dacweyn karin, waxaana loo sheegay inay dacweyn karto dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa beeniyey eedeymaha ay ku soo oogtay Shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal ayaa sheegay inaysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xukun lagu riday.

“Warka maxkamada warbaahinta ayaan ka aragnay, ma jirto shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba la gashay dowladda Soomaaliya, sidoo kale ma jirto wax xukun ah oo nalala socodsiiyay iyo lacag magdhow ah oo bixinayno” ayuu yiri Xabiib Maxamed Cigaal.

Ad
Previous articleBasaaska ugu sareeya Mareykanka oo ka hadlay ficaladii layaabka lahaa ee Wagner
Next articleSafaaradda Somalia ee Kenya oo jawaab ka bixisay Ganaaxii Lagu Riday Safaarada Soomaaliya ee Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here