Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Somalia oo gargaarkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Dowlada Somalia oo gargaarkii ugu badnaa u dirtay Magaalada Baladweyne (Sawirro)

0

Iyadoo laga jawaabayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ee ahaa in haya’daha dowladda ay gurmad deg-deg ah la gaaraan bulshada reer Beledwayne ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa caawa dowladdu u dirtay shixnad gargaar ah.

Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka SODMA ayaa 50 gaari oo sida gargaar isugu jira raashin iyo cunto u dirtay magaalada Beledweyne, si loo gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaaddu saameysay, iyadoo ay ay caawa gaadiidkaasi ka sagootiyeen magaalada Muqdisho Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeen iyo Guddoomiyaha Hey’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Ganacsatada, Culimada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan in ay gacan ka geystaan caawinta walaalahooda dhibaateysan kuwaas oo u baahan in la gaarsiiyo raashin, dhar, agabka dhaxanta celiya iyo dawooyin ka hortaga xannuunada kaneecadu ka mid tahay.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane maxamuud macalin oo warbaahinta kula hadlay goobta lugu sagootinayay gadiidka raashinka wado ayaa sheegay in kadib markii uu soo arkay baaxada dadka ku barakacay fatahaada Beledweyne uu ka shaqeynayay in wax walbo oo la awoodo lala gaaro barakacayaasha, waxaa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay dowlada Imaaraad-ka carabta oo kaalin mugleh ka geysatay gaarsinta gargaarkan dadka ku nool magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdirahman Sheekh Beenbeene oo asigana hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA asigoo sheegay in dhamaan Hay’addaha dowlada ay ka qeyb qaadanayaan sidii loogu gargaari lahaa dadka ay fataahaduhu saameeyeen ee ku nool Magaalada Beledweyne.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne ka dib markii uu saameeyey webiga shabelle oo ku fatahay xaafadahooda waxayna dadkaas haatan daadsan yihiin duleedka magaalada, iyagoo aan heysan hoy fiican iyo Cunto.

Ad
Previous articleSayfullo Saipov oo lagu Xukumay 260 Sano oo Aaan Lasii Dayn Doonin ilaa Uu ka Dhamaysto(Sawiro)
Next articleIsimada Dhaqanka SSC oo Go,aan kasoo Saaray Dagaalkii Ka Dhacay Garowe