Home Wararka Maanta Dowlada Shiinaha Oo Si wayn uga Soo Horjeesatay Damaca Itoobiya ew Bada...

Dowlada Shiinaha Oo Si wayn uga Soo Horjeesatay Damaca Itoobiya ew Bada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda shiinaha ee madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya ay u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Ad
Previous articleWararka dheeraadka ah ee laga helayo dadkii iyo dayaaraddii ay Al Shabaab gacanta ku dhigeen
Next articleUrur Goboleedka IGAD ayaa shir aan caadi aheyn ka yeelanaya Xiisada udhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here