Home Wararka Maanta Dowlada Shiinaha oo kenya uga Digtay Weeraro Alshabaab uga Imanaaya

Dowlada Shiinaha oo kenya uga Digtay Weeraro Alshabaab uga Imanaaya

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa waxaa looga digay weeraro laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab xilligan ka fulin karto gudaha magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa muwaadiniinteeda la wadaagtay digniintan, waxayna sheegtay inay soo baxday digniin ku aadan weeraro ay qorsheyneyso Shabaab.

Shiinaha ayaa sheegay in kooxda laga yaabo inay qaado weeraro ay ugu jawaabeyso duulaanka Israle ee Gaza, wuxuuna ugu baaqay dadkiisa inay ka feejignaadaan.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in meelaha la bartilmaameedsan karo ee lasoo calaamadeeyay ay ku jiraan safaaradaha dalalka shiisheeye ee ku yaalla Nairobi, meelaha ay dadka isugu yimaadaan, goobaha loo dalxiis tego iyo hoteellada waa weyn.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha waxaa kale oo lagu sheegay in hoos loo dhigay howlaha shaqo safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Niarobi, si looga taxadaro heerka digniinta soo baxday ee weerarada kooxda Al-Shabaab.

Bishii hore dowladda Kenya ayaa digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay sheegtay in qaadi karaan weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.

Dalkan ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Jowhar iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Next articleTaliska Militariga Israel oo xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here