Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa waxaa looga digay weeraro laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab xilligan ka fulin karto gudaha magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.
Shiinaha ayaa sheegay in kooxda laga yaabo inay qaado weeraro ay ugu jawaabeyso duulaanka Israle ee Gaza, wuxuuna ugu baaqay dadkiisa inay ka feejignaadaan.
Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in meelaha la bartilmaameedsan karo ee lasoo calaamadeeyay ay ku jiraan safaaradaha dalalka shiisheeye ee ku yaalla Nairobi, meelaha ay dadka isugu yimaadaan, goobaha loo dalxiis tego iyo hoteellada waa weyn.
Bishii hore dowladda Kenya ayaa digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay sheegtay in qaadi karaan weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.