Home Wararka Maanta Dowlada Sacuudiga oo War Kasoo Saartay Xiliga lasoomaayo Bisha Barakaysan ee Ramadaaan...

Dowlada Sacuudiga oo War Kasoo Saartay Xiliga lasoomaayo Bisha Barakaysan ee Ramadaaan ee fooda nagu soo haysa

0

Maxkamadda Sare ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxay ka codsatay dhamaan dadka Muslimiinta ee ku nool dalkaasi inay baadigoobaan Aragtida Bisha Barakaysan ee Ramadaan Fiidnimada Talaadada soo socota oo Taariikhdu  tahay 29-ka Shacbaan ee sanadka 1444 Hijriyah amq ku beegan 21-ka Bisha March ee sanadka 2023-ka ee tirsiga Milaadiyah.

Qoraal ay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga maanta soo saartay waxay ka codsatay dadka indhahooda caadiga ama Qalabka Doorbinka ku arka bilashada Bisha Ramadaan  inay ku soo wargeliyaan Maxkamadda ugu dhow, si loo diiwaan geliyo qofka iyo Markhaatiga la arkay, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA.

Khubarada Cilmiga Xiddigiska ee dalalka Carbeed waxay horey u sheegeen inay bisha Ramadaan bilaaban doonto maalinta Khamiista ee soo socota, inkastoo ay jiraan dhowr dal oo iclaamiyey inay bisha Ramadaan bilaaban doonto maalinta Arbacada ee soo socota.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSomaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay Laascaanood
Next articleXasan Sheekh Iyo Museveni Oo Ka Wada Hadlay Wajiga Labaad Ee Dagaalka Shabaab