Home Wararka Maanta Dowlada oo ka hadashey Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

Dowlada oo ka hadashey Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle iyo  Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey weerarkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo qarax loogu xiray gaarigiisa oo uu dhaawac ka soo gaaray.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng,Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariyaha.

Eng,Yariisow  ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku yiri“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu  caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”.

Si wada jir ah ayay weerarkaasi ugu tilmaamay inuu ahaa mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, iyagoo Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa si dhaqsa ah in uu u bogsiiyo ALLE uga baryay.

Xaaladda caafimaad ee Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo lagu dabiibayo Isbitaalka Ex-Digfeer ayaa ah mid ka soo reysneysa, Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi lagu dhaawacay.

W/Q Wariye Bashiir mohamed warsame

Ad
Previous articleAl-shabaab oo xukun dhagax-ku-dil ah ku fulisay hooyo ku eedeysnayd in ay 11 nin xaas u ahayd
Next articleDegmada kaxan-dhaale xaaladeeda waa sidee maanta maxaase ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here