Home Wararka Maanta Dowlada Masar oo Ciidamo Usoo Diraysa Soomaaliya

Dowlada Masar oo Ciidamo Usoo Diraysa Soomaaliya

0

Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

 

Ad
Previous articleMadaale oo lagu eedeeyey inuu Fatwooday Weerarkii Liido
Next articleSirdoonka Dalka Turkiga oo soo bandhigay Xog la Xiriirta Dilkii Haniya