Home Wararka Maanta Dowlada Itoobiya: “Cidii ka hortimaada heshiiskii badda waxaan u arkaynaa..”

Dowlada Itoobiya: “Cidii ka hortimaada heshiiskii badda waxaan u arkaynaa..”

0

Itoobiya ayaa sheegtay cid kasta oo ka hor timaada doonistooda badda cas inay u arkayaan, arrin khatar ku ah amniga qaranka, sida uu warbaahinta gudaha Itoobiya u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru.

Waxaa uu inta ku daray in dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya inuu ku tiirsanyahay 100% badda cas, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka”.

Itoobiya ayaa doonaysa inay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland, bishii koowaad ee sannadkan, kaasoo aan la dhaqangelin, ka dib markii ay si adag u diidday dawladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan oo ka hadlay wada-xaajood uu u kala dabqaadayay Turkiga labada dal, lagu guul-darrastay in laga helo natiijo uu caddeeyay inaysan dooneyn Itoobiya inay ka laabato heshiiska, inkastoo uusan sheegin haddii ay Soomaaliya qaadayso tallaabooyin ay ku joojin karto Itoobiya.

Hadda, Itoobiya waxay adeegsanaysa luuqad u dhiganta hadalladii quwadaha Mareykanka iyo Ruushka ay u adeegsadeen duulaan kasta oo militari oo xad-gudub ah, iyagoo ku andacoonaya tallaabooyinka ay qaadeen inay uga hortagayaan khatar amniga qaranka ah.

Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dawladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee 4 bishan.

Sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo, xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa.

Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Booqday Ciidamadadii Ugu horeeyey ee Cirka oo Mudo kanDib la Tababaraayo(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Culus Ku Qaadeen Saldhigii Bariire iyo Taliyihii Xeradaas oo Geeriyooday