Home Wararka Somaliya Jubbaland Dowlada Imaaraadka oo Gaadiid badan oo Alshabaab lagula dagalamaayo ku wareejiyay...

Dowlada Imaaraadka oo Gaadiid badan oo Alshabaab lagula dagalamaayo ku wareejiyay Jubbaland (Sawirro)

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid badan oo nuuca dagaalka ah gaar ahaan kuwa loo yaqaan Cabdi Bilaha iyo hub ku wareejisay dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana gaadiidkan laga dejiyay magaalada Kismaayo.

Imaaraadka Carabta ayaana gaadiidkan ku wareejiyay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

”Dowlada Jubaland ayaa  Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirrada oo la horgeeyay Warbixin la xiriirta Dhibaato Culus oo Mudo ka taagan Muqdisho (Sawirro)
Next articleMa dhabaa in Muqdisho ay ka jiraan haween jirkooda ka ganacsada?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here