Home Wararka Maanta Dowlada Federaalka iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka

Dowlada Federaalka iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka

0

 

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo muddo saddex maalin ah u socday Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha, qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay  Soomaaliya ku taageeraan.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raho Janaqow ayaa xiritaanka goobjoog ka aheyd, Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay in kulanka Wasiirrada Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo si miradhal ah. Wasiirka ayaa sheegay in aad looga hadlay arrimaha Maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha dekkedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka ka hadalo ka jeediyay Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shir si miral dhal ku soo dhammaay. Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka Maaliyadda dalka iyo arrimaha kale uu muhiim ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa waxa aan ka soo qeybgalin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka Wasiirrada Maaliyadda.

Gabagabadeydii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxyaabaha laga heshiiyey waxaa ka mid ah in Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada oo ay ka maqan tahay Puntland ay ay deeqaha caalamka 60% lahaato DFS, halka 40% kalena ay la haanayaan Maamul-goboleeyada.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA IYO SAWIRADA.

Ad
Previous articleCiidamada PSF ee Puntland oo Soo Gaaaray Degmada Wisil Xili Dagaal Culus Alshabaab lagu Qadaayo
Next articleGudoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin Kasoo Horjeeda Laftagareen (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here