Home Wararka Maanta Dowlada Ciraaq Oo Kudhawaad $100 Miliyan Deyn Ah Ka Cafineyso Soomaaliya.

Dowlada Ciraaq Oo Kudhawaad $100 Miliyan Deyn Ah Ka Cafineyso Soomaaliya.

0

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday iney cafineyso kalabar deymaha ay ku leedahay Soomaaliya, iyadoo arrintan ay daba socoto dalab hore uga yimid xukuumada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta Zayd Saban ayaa ku dhawaaqay go’aankan, isagoo sheegay iney kusoo wargelisay xukuumada Baqdaad cafinta qeyb kamida deymaha.

Wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee MENA ayuu dhinaca kale dalalka kale ee Carbeed ugu soo jeediyay iney fuliyaan qodobadii kasoo baxay shirkii u danbeeyay ee dalalka carabta ee lagu go’aamiyay in deymaha laga cafiyo Soomaaliya, si ay awood ugu yeelato iney qaadato deymo cusub.

Kudhowaad 187 Million oo doollar ayey gaareysaa wadarta guud ee lacagaha deyn ahaanta dowladda Ciraaq ugu leedahay Soomaaliya, taasoo hadii kala bar la cafiyo ka dhigan talaabo hore loogu qaaday geediga deyn cafinta Soomaaliya oo dar dar ku socdo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda oo Alshabaab Damacsanaa inay Ceelbiyood aasaan Cashar layaab leh u dhigay
Next articleWasiir Cawad oo ka horyimid Talaabadii uu Doorashada u qaaday Saciid Deni.