Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Burindi oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay lagu Laayay Askartooda iyo Qaar...

Dowlada Burindi oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay lagu Laayay Askartooda iyo Qaar wali nolol iyo Geeri lagu La,yahay

0

Ururka Al-Shabaab oo ku hubeysan qoryo iyo walxaha qarxa ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS..

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in ku dhawaad ​​400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ad
Previous articleAqalka Sare oo Soo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha(Akhriso)
Next articleGudoomiyaha Golaha Shacabka oo Magacaabay 8-xubnood oo katirsan Guddiga Doorashada (Akhriso Magacyada)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here