Home Wararka Maanta Dowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka...

Dowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka Liyuu Boolis

0

War-Murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Nabadgelyadda DDS

Waxaa dhawaan dal ahaan la go’aamiyay in dib-u-habayn lagu sameeyo Booliska Gaarka ah ee Deegaanada si loo waafajiyo qaab-dhismeedyadda dastuuriga ah ee dalka. Hadaba tan iyo intii go’aankaasi soo baxay waxaa ka barbar bilaabmay brobagaandooyin ujeedooyin badan leh oo fasiraad qaldan ka bixinaya dib-u-habeeynta dal ahaan la isla qaatay.

Sidaa darteed waxaan u aragnay inay munaasab tahay in faahfaahin laga bixiyo qaabka la rabo in dib loogu habeeyo Booliska Gaarka ah ee deegaanada dalka ka jira.

  1. Dib- u-habeeyntani ma aha mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududii jirtay balse waa mid wax ka badalaysa qaab-dhismeedkii jiray. Ciidamadda jira way sii jirayaan iyagoo wax is badal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasaliidka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga deegaanka.
  2. Dib-u-habeeyntani maaha mid deegaan kaliya gaar ku ah ee waa jaho guud oo dalka oo dhan laga dhaqan-gelinayo, isku sina u saamaynaya Deegaanada.
  3. Wixii la xidhiidha qaabka iyo goorta la dhaqan galinayo dib-u-habeeynta waa mid shacabka iyo hay’adaha ay quseeyso lala socodsiin doono, lagalana tashan doono.
  4. Dib-u-habeenytani maaha mid xidhiidh la leh xuquuqaha dastuuriga ah ee ismaamulka deegaanada maadaama marka dib loo habeeyana ay wali sii hoos tagayso deegaankii awal maamuli jiray.

Hadaba iyadoo xaqiiqadu sidaa tahay waxaa bilaabmay brobagaandooyin iyo marin habaabin qayb ahaan ay wadaan danleey siyaasiyiin ah oo ujeeddadoodu ayna ahayn mid xidhiidh la leh dareenka guud ee shacabka  ee ku wajahan arintan. Danleeydaasi waxay aad u riixayaan in buuq iyo fowdo ka dhalato arintan si ay markaas uga dhex raadsadaan fursado ay iskaga horkeenaan shacabka iyo dawladda ama dawladda deeganka iyo ta dhexe iyadoo qaarkood durba bilbeen inay u dhigaan in dareenka abuurmay uu yahay mid xidhiidh la leh dareeno kale oo ka jira deegaano buuq ka taagan yahay

Ad
Previous articleMo Farax oo kaalin lama filaan ah ka soo galay tartan lagu qabtay Gabon
Next articleXukun dil ah oo lagu riday 14-nin oo katirsan kooxda Al Shabaab (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here