Home Wararka Somaliya Galmudug Doorashooyin maanta ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Baydhabo

Doorashooyin maanta ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Baydhabo

0
Waxaa maanta lagu wadaa in doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya lagu kala doorto magaalooyonka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhaceysa doorashada sadax ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo noqonaya kuraastii ugu horeysay ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galeed, halka magaalada Dhuusamareeb lagu dooran doono hal kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya maamulkii sadaxaad ee bilaaba qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11- aad ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in kuraasta afarta ah ee maanta doorashadooda ka kala dhaceyso Baydhabo iyo Dhuusamareeb la sii ogyahay shaqsiyaadka kusoo bixi doono, taasoo keentay in walaac xoogan laga muujiyo hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Shalay ayay aheyd markii beesha Caalamka warsaxafadeed ay kasoo saartay walaaca laga muujinaayo doorashada Golaha Shacabka ayna dalbadeen in howlwadeenada doorashada ay isbadal la yimaadaan oo ay doorashadu noqoto mid daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Ad
Previous articleMaxay tahay Fariinta Prof jawaari uu u diray Bulshada ka dib Markii Loo diiday Kursiga
Next articleDani oo lagu Eedeeyay inuu Burburinayo Ciidamada PSF ee Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here