Waxaa maanta lagu wadaa in markale lagu qabto magaalada Baydhabo afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Afarta kursi ee maanta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada ayaa kala ah HOP 154, HOP 213, HOP 180, iyo HOP 193, waxaana kuraastaasi doorashadooda ay bilaaban doonta saacado kooban kadib.
Magaalada Baydhabo waxaa shalay lagu doortay afar Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana afarta maanta ay u dambeeyaan 11 kursi oo ay horay u shaaciyeen qabashadeeda guddiga doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Kuraasta Golaha Shacabka ee doorashooyinkooda ay ka dhaceen deegaanada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa noqday kuwa ay dib uga soo laabteen cabashooyin farabadan, waxaana xusid mudan in kuraastii shalay Baydhabo lagu doortay inuu ka mid ahaa kursi loo diiday inuu u tartamo guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka