Home Wararka Maanta Doorasho aan lagu Tartamin oo maantay Ka Dhacday Muqdisho yaa Kusoo Baxay?

Doorasho aan lagu Tartamin oo maantay Ka Dhacday Muqdisho yaa Kusoo Baxay?

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi, waxaana la doortay ilaa sadex Xildhibaan oo labo kamid ah rag kusoo baxeen.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid aan xamaasad haba yaraatee laheyn, waxaana sadexda kursi ee la doortay dhamman ahaayeen kuwa la isku tanaasulay oon wax tartan ah ka dhicin.

Waxaana kursiga koobaad kusoo baxay  Siciid Maxamed Maxamuud oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii la tartamayay  Kaltuun Xayir Jaamac

Kursiga  HOP037 waxaa ku guuleestay  Marwo Ifraax Maxamed Cawad kadib markii u tanaasushay musharaxii kula tartameysay kursigaasi, waxaana cod gacan taag ah kursigaasi ugu soo baxday Marwo Ifraax Cawad.

Waxaa sidoo kale kursiga Kursiga HOP238 ku guuleestay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir , kadib markii uu doorashada ka tanaasulay in uu u tartamo musharax Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee hada ka socota qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwa lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa, iyadoona inta badan la isku tanaasulayo doorashada halkii la tartami lahaa

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBanaanbax Xoogan oo Kasocda Magaalada Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleCiidan ka Wada Tirsan dowlada oo Muqdisho Dagal Ku Dhexmaray