Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorashada HOP63 iyo HOP011 oo ka Bilaabtay Baladweyne

Doorashada HOP63 iyo HOP011 oo ka Bilaabtay Baladweyne

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraasta HOP#063 iyo HOP#011 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo uu shalay ku yimid dib u dhac.

Kuraastan oo isha aad loogu hayo ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadda federaalka iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna ah wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada lagu bilaabay kursiga uu ku fadhiyo Goodax Barre ee HOP#063, waxaana ku tartami doono 9 musharrax oo isku diiwaan-geliyey tartanka.

Tani ayaa muujineyso in Cabdullaahi Goodax Barre oo sanado ku fadhiyey kursigan uu wajahayo loolan adag, iyadoo uu soo bixi doono qofka ay u codeeyaan ergada oo 101 ah.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#011 ayaa isna waxaa ku tarmayaa musharrax Maxamed Cumar Maxamed iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga gudaha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Beledweyne, si loo xaqiijinayo amniga inta ay socoto doorashada.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleTirada Ciidamada Ruushka Ugu Dhimatay Dagaalka Ukrain oo La Shaaciyay
Next articleGermalka oo sheegay in Duulaanka Ukraine uu Saameenayo Mustaqbalka Ruushka