Home Wararka Somaliya Galmudug Doorashada Golaha Deegaanka Degmada cadaado oo Maantay Bilaabatay(Sawiro)

Doorashada Golaha Deegaanka Degmada cadaado oo Maantay Bilaabatay(Sawiro)

0

Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Dowladda Galmudug oo maanta Qabtay doorashada kuraasta 12 xubnood oo kamid Noqonaya Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada cadaado.

Doraashadaan oo u dhacday qaab cod qarsoodi ah ayaa waxaa kusoo baxay 12 xubnood oo ah wajiga koowaad ee doorashada Gollaha Deegaanka Degmada Cadaado.

Waxaa kasoo qayb galay doorashada wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug mudane Cabdi jaamac maxamed (Cabdi waayeel), Agaasimaga guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, maamulka Degmada,Xildhibaannada Galmudug, xubno ka socday hay’adaha FCA, EISA, iyo marti sharaf kale.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug ayaa u mahadceliyay Guddiga Farsamada doorashada Gollaha Deegaanka, Bulshada Cadaado, maamulka Degmada, sidoo kale wuxuu wasiirku hambalyo u diray xubnaha Cusub ee ku Guullaystay ka mid noqoshada Gollaha Deegaanka Degmada Cadaado.

Ad
Previous articleXasan Sheekh Oo Kulan Deg Deg Ahaa La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Xili amniga Xamar Faraha Kasii Baxay
Next articleDEG DEG: Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka Itoobiya oo Gudaha Soomaaliya Soo Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here