Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo Goor dhaw ka bilaabanaysa Jowhar

Doorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo Goor dhaw ka bilaabanaysa Jowhar

0

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaannada Baarmaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay doortaan Xubno kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ku matala Aqalka Sare .

Shalay 27 musharax oo ku tartamaya 8 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ay u jeediyeen khudbadahooda musharaxnimo, iyaga oo soo bandhigay waxyaabaha uu qof walba qaban doono hadii uu guuleysto.

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hir-Shabeelle ayaa doorashadoodu tahay mid xiiso gaar ah el, waxaana difaacanaya Sanoterada kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Naciimo Ibraahim, kuwaas oo ku fadhiyay kuraastaan Afartii sano ee la soo dhaafay.

27 Musharax ee ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1. Muuse Suudi Yalaxow

2. Cabdullahi Sheekh Xasan

3. Axmed Xasan Cadow Daaci
4. Dr. Xasan Cadaay Cali

1. Maxamed Amiiin Sheekh Cusmaan oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaan

2. Daaha Muhudiin Sheekh Daa’uud

3. Axmed Maxamed Cal (Afcadeey)
4. Yussuf Macallin Xasan (Filla-Dheere)

1. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)

2. Raage Xasan Cusmaan (Xuut))

3. Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

1. Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

1. Call Shacbaan Ibraahim

2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir

3. Cabdullahi Axmed Tawaad

4. Caasho Xuseen Abuukar

5. Cabdalle Cabdi Xuseen

1. Xasan lidow Muxumed Kobac

2. Cusmaan Axmed Macow

3. Cabdinuur Ibraahim Nuur

1. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama

2. Sacdlya Yarrow Aadan

1. Nacimo Ibraahim Yuusuf

2. Zamzam Cabdullahi
Xuseen

3. Maxamed Macallin Xasan Kulmiye

4. Abuukar Xasan Call ( Maqaneey

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Goobta doorashada goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleGabdha Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Austaria
Next articleSirdoonka ugu sarreeya Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ay yihiin halista argigixiso ee ka weyn tan Afghanistan