Home Wararka Maanta Doorashada 5 Kursi oo ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka oo Maantay La...

Doorashada 5 Kursi oo ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka oo Maantay La Dooranaayo

0
Doorashada shan kursi oo ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay ka dhacaysaa magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shantan kursi ayaa waxaa lagu wadaa inay u tartamaan illaa toban musharax oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo.
Musharaxiinta ku tartamaysa maanta magaalada Kismaayo ayaa kala ah

1:HOP#136 Waxaa ku tartami doona Cumar Yuusuf Qaladiid iyo Cabdifataax Cumar Macalin.

HOP#130 Waxaa ku tartami doona musharrixiinta kala ah Mowliid Cabdi Maxamuud Iyo Haboon Xasan Tiifoow

3: HOP#112 Waxaa ku tartamaya Cabdiqaadir Maxamed Wacaysiyo Daa’uud Cismaan Cali.

4: HOP#079 Waxaa ku tartamaya Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow ) iyo Bashiir Nuur Xuseen

5: Hop#072 Waxaa ku tartami doona Cabdirashiid Xidig iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi.

Ad