Home Wararka Maanta Dooni Siday 440 tahriibayaal ah oo ku soo xirtay dalka Talyaaniga

Dooni Siday 440 tahriibayaal ah oo ku soo xirtay dalka Talyaaniga

0

Markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Sea Watch 3 oo siday boqolaal muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda, ayaa ku xiri doona dekedda Pozzallo ee dalka Talyaaniga ee Sicily, sida ay Twitter-ka ku soo qoreen ururka samafalka ee ka howlgala dalkaasi Jimcihii shalay.

Markabkan ayaa raadinayey deked uu ka soo dejiyo usbuucii la soo dhaafay, tan iyo markii laga soo badbaadiyey muhaajiriinta badda Mediterranean-ka.

“440-ka qof ee saaran markabka ayaa ugu dambeyntii awood u yeelan doona inay ka soo degaan,” Sea Watch ayaa sidaasi sheegtay.

Dadkii doonta saarnaa oo u badnaa Afrikaan ayaa lasoo badbaadiyay dabayaaqadii todobaadkii hore shan howlgal oo kala duwan. Waxa ku jira ilaa 200 oo caruur ah, kuwaas oo intooda badan aan lala socon, afhayeen u hadlay Sea Watch ayaa yidhi sidaasi.

Talaadadii, Talyaanigu wuxuu oggolaaday in ka badan 550 qof oo saarnaa doon kale oo samafal ah inay ka soo degaan dekedda Sicilian ee Augusta.

Ad
Previous articleFaransiiska oo la wareegay hoggaanka Midowga Yurub
Next articleDenmark oo Sharci Cusub kasoo Saartay Lacagta Caruurta lagu helo Marka Waalidka kala tago

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here