Home Wararka Maanta Doon sidday qaad Soomaaliya loo waday oo ku quustay Kenya

Doon sidday qaad Soomaaliya loo waday oo ku quustay Kenya

0

Hal qof ayaan weli la helin, ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku quustay magaalada Lamu, gobolka Xeebta, Kenya.

Sida ay qortay warbaahinta Citizen ee Kenya, wararka ayaa sheegaya in labo ruux laga soo badbaadiyay doonida degtay subaxnimadii Jimcaha.

Saddexda qof ee shilku ku dhacay, ayaa waxay diyaarad kasoo qaadday deegaanka Mokowe Jetty oo ku yaalla galbeedka Lamu, waxayna ku sii jeedeen magaalada dhacda xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo layiraahdo Kiunga Somali.

Hawlgalka baadigoobka iyo samata bixinta, ayaa hadda socda, waxaana fulinaya koox ka kooban hay’ado kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha haatan ee badda, ee ah iney dhacayaan dabeylo wata roobab culus, ayaa caqabado la taaban karo ku noqday kooxda samatabixinta.

“Waaxda saadaasha hawada waxay soo saartay talo ku saabsan xaaladaha badda ee kacsan bishan.” Ayaa laga soo xigtay waaxda durjoogta Kenya.

Waxaan u soo jeedinayaa kalluumaysatada iyo dadka kale ee isticmaala badda inay taladan si dhab ah u qaataan oo ay taxaddaraan. Dhanka kale, waxaan si hagar la’aan ah uga shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa naaquudihii doonta ee maqan,” ayay waaxdu tiri.

Iyadoo ay socdaan dadaallada baadigoobka iyo samata bixinta, mas’uuliyiinta Lamu ayaa waxay ku boorinayaan dadka kale inay feejignaadaan inta ay badda marayaan, ayna u hoggaansamaan dhammaan digniinaha iyo talooyinka, si loo sugo ammaankooda.

Ad
Previous articleAmaanka Xarunta Gobalka Banaadir oo aad loo adkeeyey Xilli Alshabaab Muqdisho weerar ka bilaabeen
Next articleAfhayeenka Taliban oo farriin u diray Reer Galbeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here