Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarajin lahaa ayaa taageerayaashiisa uga mahad celiyay “aragtida iyo ducadooda” qoraal kii labaad ee uu soo saaro tan iyo markii la weerarray xalay.
“Ilaahay kaliya ayaa ka hortagay wax aan la malayn karin in ay dhacaan, ma cabsanayno, balse taa badalkeeda waxan ku adkeysan doonaa iimaankeena, inagoo sharta ka hortagayna,” ayuu madaxweynihii hore ku qoray barta Truth Social.
“Waxan u baryeynaa kuwa dhawaaca ah in uu bogsiiyo, waxaana quluubbteena ku haynaa xusuusta muwaadinkii sida xun loo dilay,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in hadda ay ka muhiimsan tahay “in aan u istaagno midnimo”.
“Dhab ahaantii waa jeclahay wadankeena, waana idin jecelahay dhammaantiin, waxaana rajeynayaa in aan kala hadlo qarankeena weyn todobaadkan Wisconsin.”