Home Wararka Maanta Donal Trum oo Amar uu bixiyay Maantay ka Fulay Soomaaliya

Donal Trum oo Amar uu bixiyay Maantay ka Fulay Soomaaliya

0

Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Madaxweyne Donald Trump.

“Saaka waxaan amar ku bixiyay in weeraro cirka ah oo si gaar ah loola beegsanayo lagu qaado worsheeyaha sare ee weerarada Daacish iyo argagixisada kale ee uu ku soo qortay kuna hoggaaminayay gudaha Soomaaliya,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna sheegay in weerarada lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish-Soomaaliya oo ku sugnaa buuraha Golis ee gobolka ismaamul hoosaadka Puntland.

“Qiimaynteena horudhaca ah waxay muujinaysaa in dhowr xubnood lagu dilay duqeymaha cirka ah, ayna jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayuu Hegseth ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Tallaabadan ayaa sii wiiqaysa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan oo ay fuliyaan weeraro argagixiso oo khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibbadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna farriin cad u direysaa in Mareykanku mar walba u diyaar garoobayo inuu helo oo uu ciribtiro argagixisada khatarta ku ah dalka Mareykanka iyo xulufadiisa.”

Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo.

“Fariinta loo dirayo Daacish iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa dadka Ameerikaanka ah waa ‘WAAN IDIN SOO HELAYNAA, WAANA IDIN DILAYNAA!’,” ayuu Trump ku soo gaba-gabeeyay qoraalkiisa.

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlePuntland oo Markale Maantay Soo Saartay Go,aano Culus
Next articleCiidamo Cusub oo Farabadan kana Mid ah gorgor oo tababar Muqdisho loogu soo xiray