Home Wararka Maanta Diyaarado Dagaal oo duqeeyay magaalada Saakow iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay magaalada Saakow iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

0

Diyaarado dagaal oo loo maleenayo in ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa xalay duqeyn ka geestay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhaxe, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Duqeynta ayaa sida aan wararka ku helnay ku dhacday xaafado katirsan degmada Saakow, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah, halka guryana ku bur bureen.

Sawirro laga soo qaaday halka ay ku dhaceyn gantaalada laga tuuray diyaaradaha dagaalka ayaa muujinaya gaadiid kala duwan oo gubtay iyo sidoo kale guryo la deganaa oo bur bur xooggan soo gaaray.

Ma jiro ilaa hadda cid ka hadashay duqeyntan xalay ka dhacday degmada Saakow iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana habeenno kahor sidaan oo kale loo duqeeyay degmada Saakow iyo deegaanno kale.

Ad
Previous articleKooxda Wagner oo Durbaba la wareegtay magaalo muhiim u ah milatariga Raashiya Xili Putin Xaalku Xunyahay
Next articleJeneral odawaa Yusuf Raage oo Maantay Xilka Ku Wareejiyay Taliyihii Cusbaa ew Dhawaan lagu Badalay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here