Home Wararka Maanta Diyaaradaha Turkiga oo ku biiray Dagaalka Lagu Baacsanaayo Alshabaab

Diyaaradaha Turkiga oo ku biiray Dagaalka Lagu Baacsanaayo Alshabaab

0

Dowlada Turkiga ayaa hadda toos ugu biirtay duqeynta dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in markii hore ay garab ka helayeen Mareykanka, balse haatan ay garab istaag ka heleen Turkiga oo ciidamo kala duwan u tababara dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay hawada ka caawinayaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeya in uu cirka (Duqeyn) ku beegsanaya Cadawga marka uu meel isugu tago, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya & Dowlado kale oo sirdoonka caawinaad ka geysanaya” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan kooxo gaar ah oo kasoo horjeedo hormarada laga gaaray howlgallada socda, isla-markaana xagal daacinayaa abaabulka socdo.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in aysan arrintaasi niyad-jebin doonin, ayna sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Kooxo saddex ah ayaa shakigaas qaba, Kooxda 1aad Waa Argagixisada nafteeda ayaa waxaas wada, Kooxda 2aad ee wax buunbuunisa ee shakiga qabta waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore oo Shabaab ogolaatay in Dekedda Canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay Wadada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas & CBB-deeda dacaayad way wadaan, Kooxda 3aad waa Koox Deegaankoodu nabad ah oo dhulal nabad ah ka yimid oo rabta in ay gafane Dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa raba weeye” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan howlgallo culus ay ka socdaan deegaanada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden (Sawirro)
Next articleWilliam Ruto oo shaaciyey laba arrin oo madaxweyne Xasan Sheekh ka go’an