Home Wararka Maanta Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo riday diyaarad Turkiga leeyahay oo Howlgal ku...

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo riday diyaarad Turkiga leeyahay oo Howlgal ku jirtay

0

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK.

Ciidamada Mareykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Mareykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta.

Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Mareykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Mareykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara.

Ryder waxa uu yiri “Taliyayaasha Maraykanku waxa ay qiimeeyeen… diyaaradda, oo markan wax ka yar nus kiilomitir u jirta ciidamada Maraykanka, in ay tahay halis.”

“Kadib diyaarad Mareykan oo F-16 ah ayaa si is-difaac ah usoo ridday diyaaraddii drone-ka,” ayuu yiri.

Xoghayaha difaacca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii la hadlay dhiggiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ku booriyey “in la qaboojiyo xiisadda waqooyiga Syira, iyo muhiimadda in si adag loo ilaaliyo qawaaniinta isku dhacyada iyo isgaarsiinta iyada oo loo marayo hab milatari ka militari ah,” ayuu Ryder ku yiri war-saxaafadeed.

Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.”

Mareykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWar naxdin leh oo farriin u ah dadka doonaya inay Mareykanka galaan
Next articleWeerar lagu Qaaday Akadeemiyadda Militari Dalka Siiriya Oo Ay Boqol Ruux Ku Dhinteen